Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay khasaare xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab,…
27 October, 2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay khasaare xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo 26-kii Oktoobar 2026 ka dhacay deegaanka Jameeca, oo hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay ku dhowaad 75 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, halka 56 kale lagu dhaawacay, sida ay sheegtay dowladda.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in intii uu dagaalku socday ay Al-Shabaab adeegsadeen gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kuwaas oo lagu weeraray gaadiidka Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo ka digtey buunbuuininta wararka kooxda Alshabaab.

Kooxda nabaddiidka ah ee Alshababa ayaa qaar kamid ah mareegeheeda wararka ku baahisay sawirrada burbur la gaarsiiyey gaadiidkii ciidanka dowladda, iyadoo sheegtay inay dishey askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
