Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo ballamiyey kulan aan caadi ahayn, oo looga arrinsanayo xaaladda…
27 October, 2026
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo ballamiyey kulan aan caadi ahayn, oo looga arrinsanayo xaaladda amni ee dalka gaar ahana dagaaladii ciidamada dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray deegaamo katirsan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Baay.
Warar Madax-bannaan ayaa sheegaya in weerarkii gelinkii dambe ee shalay ka dahcay deegaanka Aw-Yasiin, oo qiyaastii saddex kiiloomitir u jira Leego, ay kooxda Alshabaab u adeegsadeen diyaaradaha isqarxiya, xilli ay ciidanka DFS ku siijeedeen degmada Buurhakaba ee gobolka Baay oo dhawaan gacanta u gashay xoogagga taabacsan Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed.
Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa warbaahinta madaxa-bannaan u xaqiijiyey in dagaalka oo dhabagal ciidan ahaa lagu waxyeeleeyey gaadiid dagaal iyo kuwa sahayda qaada uuna sababay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac xilli habeenimadii xalay heeggan culus lageliyey hawl-wadeenada isbitalka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka golaha wasiirada ayaa lafilayaa in looga arrinsado xaaladdaan soo korortay, mas’uuliyadaha, dagaalkaasi, qaabka loo jebin karo cadawga Alshabaab, iyagoo sidoo kale meelmarin doona miisaaniyadda dowladda. Odoroska dakhliga miisaaniyadda Soomaaliya ee sannadka 2025 wuxuu ahaa $1,331,969,583, oo u dhiganta ku dhowaad $1.33 bilyan.
