Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyoodey shan qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka…
27 October, 2026

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyoodey shan qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaarey weerar hoobiyeyaal loo adeegsadey oo kooxda Al-Shabaab subaxnimadii hore ee saaka ku qaadday deegaanka Galgala ee gobolka Bari.
Goob joogayaal ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in qofka dhintay uu yahay haweeney kamid ah bulshada deegaankaasi, iyadoo dadka dhaawacmay loo qaaday Magaalada Boosaaso, waxaana hawlgallo lagu baadi goobayo kooxdii ka dambaysay weerar lagu baadi goobayo buuraha Golis ka wada ciidanka difaaca Puntland.
Weerarkan ayaa imanaya toddobaad kadib markii qarax miino oo lala beegsaday dad shacab ah uu sababay dhimasho iyo dhaawac deegaankaas, waxaana xilligaasi ciidanka Puntland u suuragashay inay dilaan 4 xubnood oo katirsanaa kooxda Alshabaab ee miinada aasay.
Puntland ayaa haatan ku jirta diyaar-garow la xiriira hawlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo ay jiraan qorshayaal lagu doonayo in hawlgal la mid ah kii buuraha Calmiskaad laga fuliyo deegaanka Calmadow.
Weerarka cusub ee Galgala ayaa mar kale muujinaya khatarta ay kooxaha hubaysan ku hayaan dadka rayidka ah, xilli Puntland ay isu diyaarinayso hawlgallo amni oo ka dhan ah Al-Shabaab. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha weerarka iyo xaaladda dadka dhaawacmay weli lama hayo.
Explore more on these topics
